DF oo aad diiradda u saaraysa xasilinta amaanka Muqdisho (Kulan muhim ah oo dhacay)

0

(Muqdisho) 16 Abriil 2019 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa magaalada Muqdisho kulan looga  hadlayay barataarista ammaanka kula qaatay saraakiisha ciidanka Dowladda.

Kulankan waxa uu ka dhacay xaruunta Iskuul bulusiyo , halkaas oo ay ku sugnayeen saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Saraakiisha  Booliska ay isku afgarteen dar –dar galinta amniga magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha  dhinacyadii xalay  uu kulanka la qaatay waxa ka mid ahaa, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha Saldhigyada degmooyinka Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa hada dadaalkeeda waxa  ay  ku bixinaysaa sidii loo sugi lahaa amaanka magaalada Muqdisho, waxa dhawr mar saraakiishu ay kulamo ka yeesheen sidii wax badan loogu qaban lahaa amaan darrida.

Hadalsame Media