Guddi Hoosaadka Amniga ee Baarlamanka oo looga fadhiyo warbixin xasaasi ah

0

(Muqdisho) 15 Abriil 2019 – Guddoomiyaha  Barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan, ayaa  sheegay in Guddiyadda Amniga iyo Difaaca  looga baahan yahay  in  si dhaqsa ah ay ula yimaadaan warbixin ka  hadlaysa  kulankii shalay ee Barlamaanka .

Guddoomiye Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in warbixinta laga sugayo  Guddiyadan ay muhiim u tahay  wax ka qabashada xaalada amaanka ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan tan dalka xiligan uu  ku sugan yahay.

Mudanayaal ka tirsan Golaha shacabka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabo wanaagsan ay ahayn in Madaxda laamaha amniga ay hor yimaadaan  xildhibaanada Barlamaanka si wax loogu waydiiyo arrimo ku saabsan shaqadooda.

Arrimo ay ka mid ahaayeen  Howlgalka Ciidanka Dowladda Federaalka, waddooyinka xiran  iyo is jiid jiidka Hay’ada NISA ayaa xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka ay sheegeen in kulankii shalay Saraakiisha amniga in wax laga waydiiyay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegaya inay sii socon doonaan kulamada  looga hadlayo xaalada amniga magaalada Muqdisho ilaa laga helayo qorshe cad oo dowladdu ay ku wajahdo amaanka.

Hadalsame Media