”Waxaan si adag uga shaqaynayaa sidii aan Somalia & Israel saaxiibbo uga dhigi lahayn!” – Diblomaasi Soomaaliyeed

0

(Hadalsame) 14 Abriil 2019 – Cabdullaahi Dool oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia balse beri dhowayd xilka laga qaaday kaddib markii uu Twitter-ka ugu guuxey xiriir lala yeesho Israel ayaa weli moowqifkiisa ku taagan.

Md Dool ayaa ku celceliyay inay muhim tahay in sida uu yiri ”ay Somalia daneheeda eegato maadaama ay Israel xiriir la leeyihiin dalal kale oo Muslim ah sida Turkiga.”

Wuxuu xitaa mar u laab qaboojinayey gabar Yuhuud ah oo la yiraahdo Elizabeth Hahuta, taasoo sheegtay inay ka naxsan tahay sida ay Soomaalidu Yuhuudda u neceb tahay. Wuxuu ugu jawaabey:

”Ha niyad jebin. Soomaalida badankeed ma nebca Israel, balse waan qiranayaa inay jiraan kuwo dacaayad laga dherjiyay. Taasi way is bedeli doontaa, waxaana si adag uga shaqaynayaa sidii aan & uga dhigi lahayn saaxiibbo fiican.”

Somalia ayaan ayaan aqoonsanayn isla markaana aan wax xiriir ah la lahayn dowladda Israel oo 1948-kii laga dhisay dhulkii laga dhacay Carabta, iyadoo ilaa maanta dhulal hor leh sii qabsanaysa.


Hadalsame Media