DAAWO: Dayuuradda dunida ugu baalasha dheer oo samaysay duullimaadkii 1-aad + Sawirro (Maxaa loogu tala galay?)

0

(California) 14 Abriil 2019 – Dayuurad garbeheedu gaarayaan ballac garoon kubadeed oo la yiraahdo ‘Stratolaunch’ ayaa duullimaadkii ugu horreeyay samaysay.

Dayuuraddan oo looga gol leeyahay in ay maraakiibta hawada sare loo dirayo sii xambaarto si ka duwan qaabkii soo jireenka ahaa ee ahaa in la gano isagoo gantaal ku xiran.

Dayuuraddan oo ay dhistay sharikad fadhigeedu yahay California oo la yiraahdo Scaled Composites (milkiyadda Northrop Grumman), ayaa awood u leh inay markab cireedyada gayso hawada sare.

Dayuuraddan ayaa iminka samaysay duullimaadkeedii ugu horreeyay, iyadoo 2.5 saacadood dul haadaysey lama degaanka California ee Mojave Desert iyadoon wax cillad ah la kulmin.

Hadalsame Media