AC MILAN VS SS LAZIO: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Milano) 13 Abriil 2019 – Waxaa caawa ballansan labada kooxood ee AC Milan vs SS Lazio oo kulan adag oo asaasi u ah CL caawa ku yeelanaya magaalada Milano.

Dhanka Milan: Donnarumma ayaa weli la legdamaya dhaawac cajirka ah, sidaa darteed Reina ayaa markale difaacaya shabaqa Rossoneri. Gattuso waxaa ka maqan Paquetà waxaana shaki ku jiraa Conti oo murqaha ka daallan. Calhanoglu ayaa dhexda loo dhaadhiciyey, halka Borini uu baalka midig kasoo weerartamayo.

Dhanka Lazio: Simone Inzaghi ayaa garbaha ka dhaawacan, waayo Marusic oo dadabka midig ah ayaan 3 maalmood tababaran. Radu ayaa isna anqawga ka sheeganaya. Daafaca dambe waxaa safan Luiz Felipe-Acerbi-Bastos. Weerarka waxaa boos isku haysta Correa (oo cad cad) iyo Caicedo si uu midkood u kaaliyo Immobile.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 90 A. DONNARUMMA, 35 PLIZZARI, 20 ABATE, 33 CALDARA, 12 CONTI, 23 STRINIC, 17 ZAPATA, 93 LAXALT, 16 BERTOLACCI, 21 BIGLIA, 7 CASTILLEJO, 63 CUTRONE
  • 24 PROTO, 23 GUERRIERI, 4 PATRIC, 13 WALLACE, 14 DURMISI, 32 CATALDI, 16 PAROLO, 66 JORDAO, 30 NETO, 20 CAICEDO

GANAAXAN

  • Badelj

AAN LA HELI KARIN

  • G.Donnarumma, Bonaventura, Conti, Paquetà
  • Lukaku, Berisha, Marusic, Radu

Hadalsame Media