”Xubinta taranka hallaga jaro ninkii kufsi lagu helo!” – Xil-dhibaanad Kenyan ah oo hindise keentay!

0

(Lamu) 12 Abriil 2019 – Haweenayda wakiilka ka ah haweenka Lamu ee Ruweida Obo ayaa soo jeedisey hindise ah in xubinta taranka laga jaro ragga lagu helo kufsiga gabdhaha da’da yar.

Xilli ay ka hadlaysey Hindi, oo ka tirsan ismaamulka Lamu County maanta, ayay Ms Obo waxay sheegtay in loo baahan yahay in kufsadaha la marsiiyo xanuun u dhigma midka jireed iyo niyadeed ee uu gaysanayo.

“Marka eedaysanaha 10 sano oo xabsi ah lagu xukumo, ciqaabtaasi uma dhiganto burburka uu hablaha yar yar u gaystey, waayo nolosha gabadhaasi gebi ahaanba waa burburtay.” ayay tiri.

”Waxaa in xubinta taranka laga jaro, waxaana ka xil-dhibaan ahaan idiin xaqiijinayaa in xeerkaa xubin jarista ah la dhaqan geliyo,” ayay raacisay Ms Obo.

Hadalsame Media