(London) 12 Abriil 2019 – Jose Mourinho ayaa fikirkiisa ka dhiibtey kulamadii Rubuc-dhamaadka UEFA Champions League ee todobaadkan dhacay, isagoo isha ku haya lugta 2-aad.
Mou oo la hadlayey RT oo uu kubadda u falanqeeyo, wuxuu soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin fursadaha kooxaha dheeley u yeelan karaan inay usoo gudbaan wareegga xiga.
Balse wuxuu sidoo kale ka hadlay go’aamada muran dhaliska ah ee ku xeeran aaladda VAR oo haatan iska noqotay aalad ay garsoorayaashu siyaabo kala duwan u fasiraan sawirrada ay muujinayso.
Wuxuu ka hadlay goolkii Old Trafford ay Barca uga dhalisay kooxda United oo ahaa mid iska dhali ahaa oo VAR loo eegay, balse wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday Maxamed Salaax oo la arkayey isagoo kas ugu joogsanaya daafaca FC Porto ee Danilo.
“Inuu goolka Barca sax yahay waxaan sii ogaa iyada oo aan VAR la eegin,” ayuu yiri ninkan labada jeer hantay Champions League.
“Balse waxaan haynaa VAR sidoo kale iska indha tiri kara waxyaabo aan xitaa u baahnayn in VAR loo eego, sida middii Saalax, waa se jeclahay wiilkan waana hubaa inuu daacad iyo nadiif yahay.”
Halkan hoose ka daawo…
Salah got away this one btw.. not even a yellow. pic.twitter.com/ydhu6YhSno
— ??? (@CFCDon) April 9, 2019
How did Salah escape a red card after this? That too with VAR? Can only imagine if he was at the end of this. pic.twitter.com/BFRbPoF9ud
— M•A•J (@Ultra_Suristic) April 9, 2019
Hadalsame Media