WAR CUSUB: Midowga Yurub oo muddo kordhin u sameeyay Brexit (UK oo hal arrin ku khasban)

0

(Brussels) 11 Abriil 2019 – Madaxda MY ayaa kulan deg deg ah oo ay Brussels ku yeesheen isku raacay in dib loo dhigo Brexit, sida uu sheegay Madaxwaynaha Golaha Yurub, Donald Tusk, iyadoo ay sidaa codsatay RW Britain ee Theresa May.

Haatan waxaa Brexit loo muddeeyay Oktoobar 31, sida uu Tusk soo tweet gareeyay. Tusk ayaa ku dhawaaqay inuu kulan kale dhici doono bisha Maajo si rasmi loogu xaqiijiyo in la kordhiyey xilliga uu dhaqan gelayo Qodobka 50-aad ee kala guurka.

Baarlamanka UK ayaa horraantii todobaadkan taageeray hindisaha May ee ahayd in kordhinta la gaarsiiyo ilaa Juun 30, halka Tusk uu soo jeediyay in ilaa sanad la gaarsiiyo.

Muddo kordhintan ayaa ka dhigan in UK ay khasab ku noqonayso in ay ka qayb qaataan doorashooyinka Baarlamanka Yurub ee bisha soo aaddan.


Hadalsame Media