(Athens) 09 Abriil 2019 – Masjidka Votanikos Mosque ee magaalada Athens ayaa jamaacada u furmaya todobaadyada soo aaddan, kaddib sanado badan oo uu dhismihiisu mucaaradad baahsan kala kulmayay kanaa’ista Orthodox Church iyo dadka maxalliga ah.
Wasiir Xigeenka Dibedda Marcos Bolaris ayaa iminka xaqiijiyey in masjidkan – oo ay maalgelisey dowladda Giriigga oo ku bixisay €900,000 oo euro – uu furmi doono todobaadyada yar ee soo aadan.
Masjidkan ayaa dhismihiisa lagu muransanaa tan iyo bilowgii qarnigan, kaasoo ugu dambayn si rasmi ah u bilowday 2016-kii, kaddib markii ay Booliisku meeshii laga dhisayay ka kexeeyeen dad dibed baxayaal ah.
Ilaa iminka, Athens waa caasimadda qura ee reer Yurub ee aan masjid rasmi ah lahayn, waloow ay magaalada ku yaallaan masaajid la dhisay waayihii Cusmaaniyiintu halkaa ka talinayeen oo weli taagan iyagoo gaboobey, balse aan la adeegsan.
Masaajiddaas ayaa loo adeegsadaa goobo taariikhi ah ahaan, halkii lagaga cibaadaysan lahaa, kaddib 400 sano oo ay Giriiggu ku hoos jireen xukunkii Cusmaaniyiinta.
Dowladda Giriigga ayaan hadda kahor marna ogolaanin in wax masjid ah dalkaa laga dhiso tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Cusmaaniyiintii Turkiga 1830-kii.
Muslimiinta dalkaasi ayaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 100,000 ilaa 500,000, marka xisaabta lagu daro soo galootiga, balse waxay ku dukadaan hoosooyin, moowlacyo iyo qolal ay iyagu samaysteen oo magaalooyinka ku firirsan.
Waxaa jirta mucaaradad siyaasadeed oo weli diidan masjidkan, tusaale ahaan hoggaanka Xisbiga Xag-jirka ah ee Bilashadii Dahabiga, Nikolaos Michaloliakos, ayaa hindisihii masjidkan lagu ansixiyey 2016 ku tilmaamay ogonaalshaha wax uu ku sheegay “macbadkii addoonsiga,” isagoo is waydiiyey “Ma waxaan ku noqonaynaa gumaysigii Turkiga?”


Hadalsame Media