(Washington, DC) 08 Abriil 2019 – Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo ayaa ciidamada Field Marshal Khalifa Haftar ugu baaqay inay ”si dhaqse ah” u hakiyaan weerarka ay ku yihiin caasimadda Tripoli.
Maraykanka – oo ay NATO wehliso – oo ah dalka horseedka ka ah inuu dalkaasi Libya dagaal sokeeye muquurto ayaa iminka sheegaya ”in aanu xoog xal keenaynin”, kaddib markii uu dalkaa xoog laftiisu u adeegsadey, isagoo la baxay dadkii dalkaasi ka joogey.
“Waxaan caddaynay in aannu kasoo horjeedno weerarka ciidan ee ay wadaan ciidamada Khalifa Haftar. Ciidamadaasi waa inay ku noqdaan fariisimadoodii hore,” ayuu yiri Pompeo.
Libya ayaa kala daadatay, iyadoo aan lahayn nidaam dhexe, tan iyo markii dalkaasi lagu qaaday weerarrada dhanka cirka ah 2011-kii, isla markaana la khaarajiyay hoggaamiyihii isku hayey Muammar Gaddafi.
US “deeply concerned about fighting near Tripoli,” says @SecPompeo in a statement about the situation in #Libya. pic.twitter.com/b649KOFCTm
— Steve Herman (@W7VOA) April 8, 2019
#US army boats seen near Janzour coastal town, which is just west of #Tripoli. #Libya pic.twitter.com/oZanUcocjf
— Ali Özkök (@Ozkok_) April 7, 2019
Hadalsame Media