RASMI: Iiraan oo Ciidamada Maraykanka ku dartay liiska ARGAGIXISADA + Sawirro

0

(Tehraan) 08 Abriil 2019 – Warkii Maamulka Washington oo liiska ”argagixisada” ku daray Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ee dalka Iiraan, ayaa keenay jawaab middi middi ku taag ah oo ka timid dhanka Tehraan oo iyaduna Maraykanka ku tilmaantay “dowlad argagixiso ah” halka ay ciidamadeeda ku dartay liiska argagixisada.

Kaddib tillaabadii “aan sharciga iyo maangalka ahayn” ee Maraykanka, waxay Tehraan si rasmi ah ugu dhawaaqaysaa in Maraykanku “yahay dowlad argagixiso ah, halka taliskiisa dhexe ee CENTCOM iyo cid kasta oo la olog ihi ay argagixiso yihiin,” ayay u dhigan tahay jawaab kasoo baxday Golaha Sare ee Amaanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, oo uu hoggaamiyo MW Hassan Rouhani.

Iiraan ayaa intaa ku dartay in sida ay tiri “uu Maraykanku aalaaba u ololeeyo kooxaha xag-jirka ah ee Galbeedka Aasiya,” iyadoo ku dartay in Washington ay qaadayso mas’uuliyadda “iyo cawaaqibka khatarta ah ee tacabburkeeda.”

Doodda waxaa keenay MW Donald Trump oo maanta gelinkii hore ku dhawaaqay war ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iiraan ku daraya ”liiska argagixisada.”

Hoos ka dheeho warka ku saabsan ciidamada Ilaalada Jamhuuriga ee Iiraan…

 

Hadalsame Media