Julian Assange oo lagu wado in laga cayriyo Safaaradda Ecuador ee uu ku dhuumanayo! (Sababta?)

0

(London) 05 Abriil 2019 – Safaaradda Ecuador ee magaalada London oo iminka hooy u ah Julian Assange ayay dhici kartaa inay bannaanka soo dhigto “saacado ama maalmo gudohood.”

Safaaradda ayaa qiil ka dhiganaysa fadeexooyin musuq ah oo ay dusiyeen WikiLeaks, oo ah web uu asaasay Assange, sida ay sheegayaan ilo sare oo ka tirsan dowladda dalkan Latin America.

Dowladda Lenín Moreno, oo muddo dheer loogu ciil cunsanaa gabaad siinta Assange oo ku sugan Safaaradda dalkaasi, ayaa doonaya inuu bixintiisa ugu marmarsoodo faafinta warqadaha INA Papers oo ay dusiyeen kooxda WikiLeaks.

Warqadahadaas ayaa isla Madaxwaynaha Ecuador ku eedaynaya musuq iyo inuu lacago dhigto bankiyo dibadeed.

Warar kale ayaa sheegaya in diblomaasiyiinta Ecuador ay durba maamulka UK kala hadleen inay soo cayrinayaan Assange, isagoo horay laga qabanayo isla marka uu bannaanka usoo boxo.

Waxaa ku dheggan Sweden oo looga haysto dacwad kufsi ah, taasoo laga yaabo inay keento in Maraykanka loo sii dhiibo.


Hadalsame Media