DAAWO: Muuqaal muujinaya ciidamada Britain oo ku toog baranaya hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Corbyn oo soo baxay (Baaritaan rasmi ah oo la bilaabay)

0

(London) 03 Abriil 2019 – Waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaal lagu arkay askar British ah oo ku toog baranaysa sawirka hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha, Jeremy Corbyn, kaasoo ay iminka baaritaan ku bilaabeen ciidamada dalkaasi, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Saajin hore oo ciidamada ka tirsanaa, Trevor Coult, ayaa muuqaalkan soo dhigay Twitter isagoo leh “Uma muuqato mid u roon hoggaamiyaha Labour-ka.”

Coult ayaa muuqaalkaa oo asal ahaan ka yimid Snapchat tiray 26 ilbiriqsi kaddib.

Wasaaradda Gaashaandhigga Britain ayaa xaqiijisay in muuqaalkan toogta Corbyn muujinaya uu yahay mid asli ah oo run ah, isla markaana ay goobtu tahay caasimadda Afghanistan ee Kabul.

Afhayeen u hadlay Wasaaraddaasi oo muuqaalkan ku tilmaamay “dhaqan aan la aqbali karin” ayaa sheegay inuu “aad uga hooseeyo heerka laga filayo ciidamada xirfadleeyda ah ee dalkaasi,” isagoo xaqiijiyay in baaritaan rasmi ah la bilaabay.

 


Hadalsame Media