Cayaaraha da’yarta olombikada Zone 5 oo furmay (Somalia oo laba xul kaga qayb galaysa)

0

(Kigali) 03 Abriil 2019 – Waxaa maanta caasimadda dalka Rwanda Kigali si rasmi ah uga furmay cayaaraha olombikada da’yarta wadamada Zone 5 kaasoo ah tartanki ugu horeeyay oo ay Wadamada Soonka shannaad ay heer Olymipic u qabtaan.

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed waxaa tartanka ku matalaya Xulalka qaranka kubadda Kolayga oo kuu loolami doona cayaaraha kubadda Kolayga 3×3 iyo cayaartoyda Xulka qaranka cayaaraha Fudud.

Tartankan waxaa ka qayb galaya 300 cayaaryahan oo ka socda 12 wadanwaxayna ku loolami doonaan 39 biladood.

Tartanka oo socon doona muddo 5 cisho ah waxaa ka qayb galay cayaartoyda da’ahaan dhalatay 1-di Janaayo 2001 iyo 1-di Janaayo 2003,  kuwaa oo metelaya 12 dal oo kala ah Somalia, Kenya, Tanzania, Burundi,  Egypt, Eritrea, Uganda, South Sudan, Ethiopia, Sudan, Martigeliyaasha Tartanka Rwanda iyo Olombikada dalka faransiiska oo si marti ah kaga qayb galaysa.

Maanta   kaliya xafladda furitaanka ayaa qabsootay waxaana si rasmi ah kulamada ay u bilaaban doonaan  3-da Abriil.

Xulka qaranka Kubadda Kolayga waxay kulankooda ugu horeeyay berri la ciyaari doonaan wadanka Koofurta Sudan kulan bilaaban doona 12:05 xilliga geeska Afrika.

Xigasho: Waaxda Wafraafinta GOS

Nagala soco Twitter


Hadalsame Media