Bonucci oo markale ku adkaystay war cunsuriyad muujinaya oo uu xalay ka sheegay laacib yaraha Kean + Sawirro

0

(Torino) 03 Abriil 2018 – Daafaca Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa markale ku celiyey moowqif Moise Kean ku eedaynaya inuu qayb ku lahaa in la cunsuriyeeyo.

Bonucci ayaa muran abuuray kaddib markii uu ku dooday in Kean uu isagu qayb ahaan keensaday in la cunsuriyeeyo marka la eego ”qaabka uu u dabbaal degey”, sida ay la tahay Bonucci.

“Kean waa ogyahay in marka uu gool dhaliyo ay tahay inuu saaxiibadii la dabbaal dego. Wuu ogyahay inuu si kale yeeli karey,” ayuu daafacani u sheegay Sky Sport Italia ciyaartii xalay ee ay 2-0 Cagliari kaga badiyeen kaddib, isagoo sheegay in eedda loo leeyahay 50-50 maadaama uu laftiisu ” daandaansaday ama maagay” taageerayaasha.

“Waxaan nahay xirfadleyaal, waa inaan markaa tusaale dhignaa oo aynaan cidna daandaansan.” ayuu ku dooday.

31-jirkan oo kaddib aad loogu dhaleeceeyay baraha bulshada ayaa farriin kale soo dhigay Instagram Story, isagoo sheeganaya inuu cunsuriyadda neceb yahay, balse aan raalli gelin ka bixin moowqifkiisii hore ee uu cunsuriyadda ugu qiil sameeynayay.

“Si kastooy tahay, maya cunsuriyad,” ayay u akhrismaysay farriintiisu.

Hadalsame Media