(Muqdisho) 31 Maarso 2019 – Guddoonka Gobolka Banaadir, Md Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa maanta xarigga ka jaray mashruuca waddooyinka xaafadaha Muqdisho qaarkood lagu dhigayo dhagaxa interloc-ga loo yaqaanno.
Mashruucan oo marka hore lagu bilaabayo 7 degmo iyo 19 xaafadood oo kala tirsan degmooyinkaasi, ayaa maanta ka bilowday Degmada Xamar-Jajab, gaar ahaan waaxda Gaheyr.
Yoolka mashruucan qurxinta ah ayaa looga gol leeyahay in sare loogu qaado bilicsamida caasimadda, sida uu sheegay guddoonku.
Dadweynaha Caasimadda Muqdisho ayaa lagu boorriyay in ay gacan wayn ka gaystaan dib u dhiska dalkooda, taasoo qayb ka ah soo kabashada Muqdisho oo ah magaalo muddo dheer kusoo jirtey nidaam darro iyo dagaallo hubaysan oo aan mira dhalin.
Hadalsame Media