DAAWO: Gool uu Messi dhaliyay oo loogu codeeyay midkii ugu wanaagsanaa muddo 120-sano ah!!

0

(Barcelona) 28 Maarso 2019 – Masrax camiran oo lagu soo bandhigay goolashii ugu wanaagsanaa ee ay dhaliyeen arbayaashii kooxda Barcelona min Johan Cruyff, Ronaldo iyo Ronaldinho, jookarka iminka ee Lionel Messi ayaa loogu codeeynayay goolka ugu wanaagsan abid.

Naadiga Catalania ayaa qabtay codayn online ah taasoo soconaysay 3-dii bilood ee ugu dambeeyay, waxaana lagu tarmayay goolashii la dhaliyay 120-sano oo ay kooxdaasi jirtey.

Waxaana codaynta ku tartamayay 64 xiddig oo soo xirtey funaanadda xariirta ah ee kooxda Barca.

Yeelkeede, waxaa la yaab lahayd in Messi kasoo mudhay Rivaldo, Ronaldo, Johan Cruyff iyo Ronaldinho – kaddibna ay khasab noqotay inuu isagu uun isla tartamo, dabcanna dee isagaa guulaystey.

Hadalsame Media