SAWIRRO: ”Gantaalaha inaga gata!” – Maraykanka oo Turkiga khasab kaga dhigaya inuu iibsado Patriot haddii….

0

(Washington, DC) 26 Maarso 2019 – Ku Simaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Patrick Shanahan, ayaa goor dhowayd sheegay inuu doonayo in uu Turkigu qayb ka noqdo qorshaha dayuuradaha F-35, balse ay sidoo kale tahay inuu iibsado hannaanka gantaalaha Patriot-ka.

Guddi Hoosaaska Gaashaandhigga ee Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka oo Shanahan maraan-marayay ayaa waydiiyay in Maraykanku uu doonayo inay Turkigu qayb ka noqdaan dalalka laga iibinayo dayuuradaha casriga ah ee F-35.

“Waannu doonaynaa runtii; waxaan se doonaynaa inuu Turkigu iibsado gantaalaha Patriot,” ayuu ku jawaabey.

Washington ayaa si cad ganafka ugu dhufatay qorshaha uu Turkigu ku iibsanayo gantaalaha Ruush sameega ah ee S-400 iyagoo sheegay inay “khalkhal gelinayaan” amaanka dayuuradaha ay dhistay Lockheed Martin Corp ee F-35.

Washington ayaa dhegaha Ankara ku dhibcisay inaysan dhacaynin inay wada helaan S-400 iyo dayuuradaha F-35 oo sida muuqata lid isku ah, sida ay saraakiil ka tirsan gaashaandhigga Maraykanku u sheegeen Reuters.

Hannaanka gantaalaha dhul-ka-cirka ah ee Patriot waxaa farsamaysa sharikadda Maraykanka ah ee Raytheon Co.

Hadalsame Media