Maddaale oo SABAB macquul ah u keenay amaan darrida Muqdisho

0

(Muqdisho) 25 Maarso 2019 – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Maddaale, ayaa ka hadlay halka ay salka ku hayso amaan xumada magaalada Muqdisho, gaar ahaan weerarrada Al Shabaab.

Md Maddaale oo la hadlayay warbaahinta ayaa dhaliilay isku dhex yaac badan oo ka dhex jira Hay’adaha amaanka, kaasi oo keenay in xaaladda amaan ee Muqdisho sii xumaato.

Guddoomiye Madaale, ayaa sheegay inuu jiro isku dhex yaac iyo qorshe la’aan ka dhex jirta hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amaanka, isagoo sidoo kale dood ka keenay sababta ay qaraxyadu u dhacaan iyadoo ay jidadku xiran yihiin.

Wuxuu soo qaatay hal sabab oo uu u aaneeyay kororka weerarrada kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab, isagoo sababta ugu wayn ku sheegay dowladda oo ka seexatay inay iyadu weerar tagto.

“Amnidarrada magaalada waxaa sabab u ah dowladda ayaa ka gaabisay weerarada Al-Shabaab, marka iyadaa weerar lagu soo yahay culeyskana Shabaab Muqdisho ayay soo saareen, laakin waxa ay u baahan tahay in cadawga meesha uu joogo loogu tago oo lagula dagaallamo” ayuu yiri Md Maddaale.

Dowladda iminka jirta ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay aan marna samayn weerar muuqda oo dhanka dhulka ah oo AS ka dhan ah.

Hadalsame Media