Madaxwaynaha Jubbaland oo Muqdisho ka degey + Sawirro

0

(Muqdisho) 25 Maarso 2019 – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa dadkii soo dhoweeyay ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Amniga Mohamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame,Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi,Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweeyay,isagoona sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu kulamo la yeelan doono Madaxda dalka.

Hadalsame Media