”Inter waxay ahayd koox quruntey!” – Frank de Boer oo markale weeraray kooxdiisii hore

0

(Atlanta, GA) 23 Maarso 2019 – Frank de Boer ayaa markale ku celiyay eeddiisii ku aadanayd inuu Inter ku fashilmay maxaa yeelay buu yiri “waxaan la macaamilayay koox quruntey.”

Macallinkan reer Dutch ayaa haatan wax ka layliya Horyaalka Maraykanka ee MLS isagoo wada Atlanta United, balse wuxuu Inter ku qaatay 14 kulan oo qura, min Agoosto ilaa Nofeembar 2016.

“Wax badan baan ka bartay khibraddii Inter. Waxaan se doonayay inaan qaab dhismeedka iyo dhaqanka oo idil bedelo, waayo kooxdaasi muddo dheer waxba kuma guulaysan,” ayuu De Boer u sheegay Algemeen Dagblad.

“Waxaan la xaalayay koox quruntey, balse la iima ogolaanin inaan dibedda u tuuro dhowr laacib, laga yaabee inay fiicnayd inaan bilowgiiba adadayg lasoo boxo, waayo waxaan isku dayay inaan qof kasta la saaxiibo, suuragalna maaha marka aad isbeddel doonayso.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media