Dalxiisayaal caalami ah oo kusoo qulqulaya magaalada Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2019 – Dad badani marka ay Muqdisho maqlaan waxaa kusoo dhaca mashaqo, dagaallo, muran siyaasadeed, qaxar iyo qarax.

Yeelkeede, Muqdisho waa magaalo midabbo iyo micnayaal badane, waxaa sidoo kale ka dhex socda waxyaabo badan oo ay naftu jeclaysato.

Muqdisho ayaa waxaa haatan tarab tarab u yimaada dad dalxiis ah oo ka kala socda dalal ku yaalla caalamka.

Sida aad sawirradan ka aragtid waxaa Muqdisho yimid dalxiisayaal u kala dhashay Shiinaha iyo Taiwan, kuwaasoo booqday meelaha muhimka ah ee magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media