DAAWO: Caa’isha aabeheed wuxuu weli nafta ku sabayaa sawirkii & boorsadii gabadhiisa, balse cadaalad ma helin!

0

(Gaalkacyo) 21 Maarso 2019 – Qoyska Caasha Ilyaas oo ahayd gabadhii 12-jirka ahayd ee la kufsaday kadibna lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa saluugey qaabka loo wado baaritaanka lagu sameynayo dadkii ka danbeeyey denbiga dhowrka nooc ahaa ee gabadhoodii yarayd lagula kacay.

Aabbaha gabadhan dhalay oo lagu magacaabo Ilyaas Aadan ayaa VOA u sheegay inuu dareensan yahay in wadadii laga weecyay baaritaanka kiiska.

Aabbe Ilyaas oo saamayn ku yeelatay sidii xilka lahayd ee gabadhiisa loo galay, ayaa weli xasuus ahaan u qaata boorsadii ay gabadhiisu ku tagi jirtay iskuulka, isagoo sawirkeeda saartay telefoonkiisa gacanta.

Halkan hoose ka daawo warbixin uu ka diyaariyey weriyaha VOA ee Garoowe, Nuux Muuse Birjeeb.

Hadalsame Media