AMNESTY: Maraykanka oo lagu eedeeyay inuu shacab ku laayay Somalia

0

(London) 20 Maarso 2019 – Hay’adda Amnesty International ayaa ciidamada Maraykanka ku eedeeyay inay dhibaatooyin gaarsiiyeen dad rayid ah oo Soomaaliyeed sanadihii 2017-18, taasoo ay dafireen ciidamada Maraykanku.

Su’aasha ku saabsan duqaymahan la sheegayo ayaa yimid kaddib markii uu MW Maraykanka ee Donald Trump uu debciyay xayiraado saarnaa qaabka ay ciidamada Maraykanku u fulinayaan duqaymaha.

Taliska Ciidamada Maraykanka Afrika ee US Africa Command, oo isagu howlgalladani hoos tagaan ayaa si wayn u dafiray eedaymahan loo jeediyay.

Waxayna ku doodayaan in ay dib u eegis ku sameeyeen eedaha loo jeediyay oo aanay arag wax dhibaato ah.

Hay’adda Amnesty International, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 14 qof oo rayid ah lagu diley, 8 kalena lagu dhaawacay 5 weerar oo xiriir ahaa oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah gobol ay ku xooggan tahay kooxda Al Shabaab.

Maraykanka ayaa ilaa bilowgii sanadkan 2019 Somalia ka fuliyay 28 weerar oo dhanka cirka ah.


Hadalsame Media