RW Kheyre: Ma jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda oo diiwaan-gashan oo aan mushaarkiisa la siin

0

(Muqdisho) 19 Maarso 2019 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay khudbad ka jeedinayay kulan looga hadlayay dardargalinta is dhaxgalka bulshada iyo laamaha Amniga ayaa ka jawaabay cabashada maalmihii ugu danbeeyay ka soo yeereysa qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sheegay in muddo afar bil aysan helin Mushaarkoodii sida ay sheegeen, hase ahaatee Ra’iisul wasaaraha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ay jiraan ciidamo aan mishaar qaadan afar bilood

RW Kheyre ayaa sheegay in askari walba oo ka tirsan ciidamada dowladda musharkiisa si joogta ah u helo isagoona soo shaaca ka qaaday inay jiraan ciidamo wali aan diiwaangashneyn kuwaa oo hadda la rabo in tirakoob sax ah lagu sameeyo kaddibna la diiwaangaliyo si mushaarkooda ay joogto ugu helaan.

‘’Ma jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda oo diiwaan-gashan oo aan mushaarkiisa la siin, inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaangalin, fadlan geeya goobaha loogu tala-galay, ku diiwaangaliya ku koontaroola, xuquuqdoodana aniga iga soo doona’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in lacagta mushaarka ah ee loogu talagalay ciidamada loo baahan yahay Askari walba inay si toos ah u soo gaarto oo aan gacan kale loo marsiin, isaga oo sheegay in saraakiisha ciidamada lagula xaasbtami doono

‘’Waxaan rabnaa in lacagta loo qoodeeyay wiilashaa ciidamda ah ay si toos ah u gaarto oo aan dhexda laga bixin, kuwa gaaradaha waaweyn heysta waxaa laga rabaa in ay shaqadooda ahaato in shilinkii lagu aaminay dadkii loogu talagalay la gaarsiiyo’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Hadalsame Media