Wasiir Dibadeedka Eritrea & wefdi heer sare oo uu hoggaaminayo oo Hargaysa ka degey

0

(Hargaysa) 18 Maarso 2019 – Wasiir Dibadeedka Eritrea, Osman Saleh Mohamed iyo La taliyaha Madaxwaynaha dalkaasi Yemane G/ab ayaa goor dhowayd ka degey magaalada Hargaysa.

Wefdigan Eritrean-ka ahaa ayaa la sheegay inay halkaa ku tageen xoojinta nabadda gobolka Geeska Afrika, sida uu sheegayo war kasoo baxay dhanka Eritrea.

Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ,waxaana intaasi kadib la geeyey Xarunta Madaxtooyada Soomaaliland ee Magalada Hargeysa.

Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo aan ahayn mid horay looga sii war hayey, ayaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka Somaliland, halkaasoo wada hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Lama oga moowqifka ay Eritrea kula hadlayso Somaliland, iyo nuxurka hoose ee booqashadan intaba.


Hadalsame Media