(Istanbul) 18 Maarso 2019 – Sida soo gaaraysa Hadalsame Media, shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines waxa ay nasoo gaarsiisay qoraal ay ku xaqiijinayaan in ay baaqan doonaan qaar ka mid ah duulimaadyada ay ku imaan jireen Muqdisho.
Baaqashada duullimaadyadan oo khuseeyn doona oo qura maalmaha hore ee bisha Abriil sababo la xiriira ka guurista Garoonka Ataturk Airport oo ah xarunta raxanta TA iyo u wareegisteeda garoonka cusub New Istanbul Airport.
Haddaba, maalmaha ay duullimaadyadu baaqan doonaan ee la calaameeyay waa kuwan hoos ku qoran:
06 Abriil 2019
07 Abriil 2019
08 Abriil 2019
09 Abriil 2019
11 Abriil 2019
13 Abriil 2019
Haddaba, ciddii aad taqaanno oo Soomaali ah, ama dadka kaleba, u sheeg oo gaarsii farriintan.
Hadalsame Media