SAWIRRO: Hindiya oo mar qura gashay heegan ka dhan ah Pakistan (Ciidamada cirka & dhulka oo la dumay)

0

(New Delhi) 18 Maarso 2019 – Daraasiin maraakiib dagaal ah oo ay ku jiraan mid dayuuradaha xambaara iyo kuwa quusa ee gujiska ah oo nukliyeerka ku shaqeeya, ayaa iskaga soo tegey layli ay ku jireen, iyagoo galay heegan ka dhan ah Pakistan, sida ay xaqiijiyeen ciidamada badda Hindiya.

INS ‘Vikramaditya,’ oo ah markab dagaal oo Ruush samee ah ahna markabka qura ee dayuuradaha qaada uu dalkaasi leeyahay, oo ay wehliyaan dhowr gujis oo kuwa nukliyeerka tamaraysta ah iyo dayuuradaha sahanka ayaa si garba siman ah heegan u galay.

Ujeedka tillaabadan ayay ciidamada Hindiya ku micneeyeen mid ay kaga hortegayaan daandaansi iyo xad gudub uga yimaada dhanka Pakistan gaar ahaan dhanka saaxada badda.”

Ciidamadan ayaa ka qayb qaadanayay dhoollatuska TROPEX 2019, kaasoo ah midka ugu wayn Hindiya oo ay u dhamaayeen ciidamada badda, cirka iyo dhulka dalkaasi.

Ciidamadan ayaana xaalkooda “laga bedeley layli loona bedeley heegan dagaal,” jeer ay taagan tahay xiisadda Hindiya iyo Pakistan.


Hadalsame Media