
(Grafton) 16 Maarso 2019 – Hooyada argagixisada masaajidda Christchurch ayaa la rumaysan yahay inay booliisku ku qariyeen meel aan la aqoonin, si looga hor tago wax aarsi ah oo iyada lagula kaco, sida uu faafinayo Daily Mail Australia.
Sharon Tarrant ayaa loola orday meel qarsoodi ah kaddib markii ay waraysteen booliiska la dagaallanka argagixisada ee magaalda Grafton, woqooyiga gobolka New South Wales, habeenkii Jimcaha.
Iyada iyo gabadheeda Lauren ayay booliisku gurigooda ugu tageen, isla markii uu wiilkeeda Brenton Tarrant uu diley 49 qofood oo ku cibaadaysanayay masaajid ku taalla magaalada Christchurch, New Zealand shalay duhurkii.
Reerka ayaa markiiba halhaleel loola orday, iyagoo xita la sheegay inay ka tageen eey yar oo ay korsanayeen.

Hadalsame Media