Suuq Xoolaha nool lagu iibiyo oo la qarxiyay iyo khasaare badan oo ka dhashay (Faahfaahin)

0

(Goof-Gaduud) 13 Maarso 2019 – Ugu yaraan sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay kadib qarax culus oo ka dhacay Saylad xoolaha nool lagu kala iibsado oo ku taala tuulada Goof-Gaduud taasoo 30km dhanka waqooyi ka xigta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka.

Gudoomiyaha Goof-Gaduud, Xasan Bayow ayaa u sheegay warbaahinta in 8 ruux oo dad shacab ahaa ku geeriyoodeen qaraxaan oo dhacay maanta islamarkaana loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay.

40 ruux oo kale ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen weerarkaan waxaana dadka dhaawacmay oo ah reer Miyi loo soo qaaday Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay si halkaasi loogu daaweeyo.

Masuuliyiinta deegaanka ayaa ku eedeeyay ururka Al-Shabaab inay iyagu ka dambeeyaan weerarkaan hase ahaatee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab.

Masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay halkaas oo ah Saylad xoolaha lagu kala iibsado.

Wararka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay ka dambeysay kadib markii qaar kamid ah ganacsatada waawayn ee suuqaasi ay u diideen Al-Shabaab bixinta lacago ay kooxdu ugu yeerto Zakawaad taasoo ay si xoog iyo xeeladba ah ganacsatada uga qaadato.

Hadalsame Media