DAAWO: Hindiya & Pakistan oo kala tijaabiyay gantaalo lid isku ah oo ay iyagu sameeyeen

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2019 – Hay’ad ay leeyihiin Ciidamada Hindiya oo DRDO la yiraahdo ayaa tijaabisey gantaal nooca la hago ah oo ay iyagu sameeyeen, kaasoo Pinaka lagu magacaabo, kuna soo beegmaysa xilli ay Pakistan iyadna tijaabisey gantaal ay iyadu samaysay oo nooca cir-ka-dhulka ah, kuwaasoo laga tuuray lama degaanka gobolka Rajasthan.

Pinaka ayay Hindiya doonaysaa inay uga kaaftoonto hannaanka noocaas ah ee Ruush sameega ah. Pinaka Mark II, ama Guided Pinaka, ayaa wuxuu awood u leeyahay inuu meelo fog wax ka dilo, isagoo shiish macaan ah, maadaama uu yahay mid la hagi karo.

KAAMA LIITO!!

Ciidamada Cirka Pakistan Air Force ayaa iyaguna ku guulaystey tijaabada gantaal ay iyagu sameeyeen oo ay ku sheegeen “smart weapon.” Waxayna wacad ku mareen inay “awood buuxda uga jawaabi doonaan” haddii uu shisheeye ku soo gardarroodo.

Gantaalkan oo cir-ka-dhul ah ayaa lagu xirey dayuuradda JF-17 Thunder – oo ay isla farsameeyaan Shiinaha iyo Pakistan, waloow aysan Ciidamada Cirku aanay tafaasiil dheeri ah ka bixinin gantaalkan oo ay sheegeen in “tiiradiisa la dheereeyay.”

Waxay u egtahay in labadan gantaal ee ay labada dal kala tijaabiyeen inay caksi isku yihiin, waayo Hindiya midkeeda waxaa laga ganayaa dhulka, halka midka Pakistan uu cirka ka imanayo.

Hadalsame Media