Daalibaan oo heshiis hordhac ah la gaartey Maraykanka (Heshiis buuxa & xabad joojin ay la geleeyso dowladda Afghanstan)

0
(Kaabuul) 12 Maarso 2019 – Wada xaajood “maaratoon ah” oo Maraykanka iyo Daalibaan ku dhex maray dalka Qadar ayaa mira dhalay “iyadoo lagu gaarey heshiis qabyo ah”, sida uu sheegay ergayga nabadeed ee Maraykanka ee Afghanistan Zalmay Khalilzad.

“Shuruudaha nabadeed way kasoo raayeen,” ayuu Khalilzad soo tweet gareeyay kaddib wada hadalladan.

”Waa caddahay in dhinacyada oo dhami ay nabad doonayaan.” ayuu yiri. 

Daalibaad iyo Maraykanka ayaa isku raacay laba arrimood oo kala ah la dagaallanka argagixisada iyo bixitaanka ciidamada shisheeye iyadoo ay wada haddalladu jiitamayeen ilaa Jannaayo.

Markii heshiiska laga gaarayo labadaa arrimood oo iminka qabyo ah la dhameeystiro, waxay Daalibaan wada hadal siyaasadeed iyo xabad joojin la geli doontaa dowladda Kaabuul iyo kooxaha kale ee ka jira Afghanistan, sida uu sheegay Khalilzad.

Hadalsame Media