ISKA JIR: Arag liiska shirkadaha dayuuradeed ee weli isticmaala nooca shilka badan ee Boeing 737 MAX 8 + Sawirro

0

(Chicago, Il) 11 Maarso 2019 – Waxaa bilaabatay baaris lagu sameeynayo shilkii qabsaday Boeing 737 MAX 8 oo Axaddii ku dhacday dalka Ethiopia, taasoo ay ku dhinteen dhamaanba 157 qofood oo saarnaa.

Waa markii 2-aad muddo ka yar 6 bilood ee ay dayuuradahani dhacaan 6 bilood uun kaddib markii ay dhacday dayuurad ay lahayd Lion Air Boeing 737 MAX 8 taasoo ku dhacday Java Sea bishii Oktoobar in yar uun kaddib markii ay hawada gashay, iyadoo ay ku dhinteen 189 qof oo saarnaa.

Haddaba, waxaa jira qiyaastii 350 dayuuradood oo ah nooca Boeing 737 Max 8 oo maanta dunida ka shaqeeya, waxaana kala isticmaala 54 shirkadood oo kuwa diyaaradaha ah, sida ay sheegtay Hay’adda Hawada ugu Maraykanka ee Federal Aviation Administration (FAA).

Halkan ayaad ka eegi kartaa liiska dhamaystiran ee sharikaadka adeegsada noocan ay farsamayso Boeing adigoo gelaya webkan.

Shirkada fariisiyey ilaa haatan?

Ethiopian Airlines, China Air iyo Cayman Airways iyo qaar kale oo ku tala jira.

Shirkadaha weli ku shaqaynaya Boeing 737 MAX 8?

American Airlines, Turkish Airlines, Southwest Airlines, Norwegian Airlines, TUI (UK), Silk Air (Singapore), Fiji Airways, Icelandair, Flydubai, WestJet (Canada) iyo qaar kale.

Hadalsame Media