DEG DEG: Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dayuuraddii dhacday (Dhimasho la xaqiijiyay)

0

(Addis Abeba) 10 Maarso 2019 – Qof kasta oo saarnaa dayuuraddii Ethiopian Airlines oo u socdey Nairobi ayaa iminka la xaqiijiyey inuu dhintay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay EI.

“Ma jirto cid ka badbaadey duullimaadkaasi, kaasoo sidey rakaab ka kala socdey 33 dal,” ayuu yiri nin u hadlay hay’adda warbaahinta qaranka ee Ethiopian Broadcasting Corporation, oo soo xiganayey saraakiil ka tirsan shirkadda EI.

Lama sheegin ilaa iminka tafaasiil ku aaddan waxa ridey dayuuraddan oo ahayd moodalka Boeing 737-8 MAX, taasoo cusbayd oo ay Itoobiya soo gadatay bishii Nofeembar.

“Waxaa la xaqiijiyey inuu shilku dhacay 8:44 (am),” ayuu yiri afhayeenka oo aan magaciisa sheegin.

Dayuuraddan oo ay gebi ahaanba wada leedahay dowladda Itoobiya ayaa siddey 149 rakaab ah iyo 8 shaqaale ah, markii ay dhacaysey.

Dayuuradda ayaa gegada Bole International Airport ka duushay saacadda maxalliga ah 8:38am (06:38 GMT) waxaana “markiiba lumay xiriirkeedii” 6 daqiiqo uun kaddib meel u dhow Bishoftu (Debre Zeit), oo ah magaalo 60km koonfur bari kaga toosan Addis Ababa dhanka jidka.

Dayuuraddan oo ah nooca Boeing 737-800MAX waxay la mid tahay dayuuraddii Indonesian Lion Air ee dhacday bishii Oktoobar, 13 daqiiqo uun kaddib markii ay ka duushay Jakarta, taasoo ay ku dhinteen 189 qof oo saarnaa.

Yeelkeede, shilkii ugu dambeeyay ee ay soo mara Ethiopian Airlines wuxuu ahaa mid qabsaday Boeing 737-800 taasoo qaraxdey markii ay ka duushay Libnaan sanaddii 2010, taasoo ay ku dhinteen dhamaan 83 rakaab ahaa iyo 7 shaqaale ahaa.

Hadalsame Media