DEG DEG: Dayuurad ay leedahay Air France oo rakaab badan sida oo la dejiyey kaddib markii dab qabsaday!

0

(Paris) 10 Maarso 2019 – ayuurad ay leedahay Air France oo ah nooca Airbus A380 oo 500 oo rakaab ah kasoo qaadday Abidjan, Ivory Coast, una socotey Paris ayay khasab ku noqotay inay dib ugu laabato garoonkii ay kasoo duushay kaddib markii ay matoorka ka holacdey.

Wakaaladda wararka Faransiiska ee Agence France-Presse (AFP), maareeyaha Air France-KLM ee Galbeedka Africa Jean-Luc Mevellec ayaa shilkan xaqiijiyey.

“Waxaa dhacay waxa lagu tilmaamo matoor qarax, waana arrin ay si wanaagsan u yaqaanaan duuliyeyaasha iyo shaqaalaha dayuuradda.” ayuu yiri Mr. Mevellec oo la hadlay AFP.

Waxaa sidoo kale AFP la hadlay, Baudelaire Mieu, oo ah weriye ka tirsan Bloomberg News, ayaa yir: “Waxaannu dul mareeyney  Niger (ku Paris)… Waxaana arkay kubad holac ah ilaa dhowr biriqso kaddibna jug wayn dhanka bidix ee dayuuradda.”

Lama soo sheegin wax waxyeello nafeed ah ama xitaa dad ku dhaawacmay duullimaadkan.

Hadalsame Media