Warka Guardiola la xiriirinaya Juventus oo soo xoogaysanaya (Heshiis afka ah oo dhacay?)

0

(London) 09 Maarso 2019 – Warar ka imanaya Ingiriiska ayaa sheegaya in Juventus ay heshiis afka ah la gaartey macallinka Manchester City ee Pep Guardiola oo u imanaya xagaaga, balse saxaafadda Talyaaniga ayaa dhinac kale eegaysa.

Sheekadan ayaa waxaa bilowgii jasiirad u ekaha Talyaaniga keenay idaacadda Radio CRC, halkaasoo uu weriye ka tirsan warqaadka Il Giornale, Luigi Gelpa, uu kaga dooday in uu “qishkan ka helay isla ishii u sheegtay in Cristiano Ronaldo uu imanayo Juventus” sanadkii hore.

Max Allegri ayaa la sheegay inuu ka socdo camaaliqada Torino dhamaadka fasalkan, isagoo aan ku xirnayn natiijo kasta oo ka timaada Champions League, ama Scudetto-hii 8-aad oo xiriir ah.

Guardiola ayaa Manchester City ku haya figta sare ee Premier League, kaasoo ah horyaal uu sanadkii tegeyna qaatay.

Dhanka kale, Guardiola ayaa Talyaaniga si faseex ah ugu hadla, maadaama uu kasoo dheeley Serie A isagoo u saftay Brescia iyo AS Roma.

Yeelkeede, warka Guardiola ayaa waxaa inta badan hadal haysa saxaafadda England, halka dhanka Talyaaniga uu warkoodu u badan yahay soo guryo noqoshada Zinedine Zidane ama Antonio Conte oo u wada ciyaari jirey Juve.

Hadalsame Media