Anigu wax baan TUHMAYAA!” – Faarax Macallin oo qishay in Kenya & Itoobiya aysan dan u wadin Somalia

0

(Nairobi) 08 Maarso 2019 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin oo inta badan aad u falanqeeya siyaasadda gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga qaaradda ayaa taabtay tuhun horay u jirey.

Faarax Macallin ayaa Twitter-ka kusoo qoray: ”In dalalka safka hore ee AMISOM ka tirsan loogu baaqo inay Somalia ka baxaan, waa hab asluubaysan oo Kenya, Ethiopia & Djibouti loogu sheegayo inay sanado badan ka adkaan waayeen Al Shabaab.”


”Ujeedka dalalka safka hore, sida aan anigu qabo, waa mid tuhun ku jiro. (Waxay) sidoo kale sameeyaan aarsi laayaan ah.” ayuu raaciyay.

Dad badan ayaa aaminsan in Al Shabaab ay dib u soo xoogaysteen markii ay Somalia soo galeen dalalka Kenya iyo Itoobiya oo cayrsanaya istaraatijiyado amaan oo aan ka tarjumayn ama la jaan qaadi karin danaha Somalia.

Nasiib xumo, madaxda Somalia lama imanin siyaasad ujeedkeedu cad yahay oo ay caalamka iyo dalalkanba uga dhaadhicinayaan inay danaha labada dhinac ku jirto inay dalalkani dibedda ka joogaan siyaasadda gudaha ee Somalia.

Tusaale ahaan, ciidamada Kenya iyo Itoobiya ayaa gaar ahaan loogu eedeeyaa inay ka galaa baxaan xeryo ciidan oo ay marar badan uga guureen saanado ciidan, halka ay sidoo kale dhibaatooyin u gaystaan shacabka ku sugan meelaha ay joogaan.

Hadalsame Media