DASTUUR DADWAYNE: Ka bogo 17 qodob oo ka mid ah QAANUUNKA AAN QORNAYN ee ay bulshadu ku dhaqanto (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2019 – Waxaa jira qodobbo fara badan oo loo yaqaanno qaanuunka aan qornayn balse ay misna bulshada ku dhaqanto ama ay kaa rajaynayso inaad fahamsan tahay. Haddaba ka bogo:

1. Waligaa talo ha bixin ilaa lagaa waydiisto.

2. Qorshe ha ku samaysan dad aan qorshahaaga qayb ka ahayn hortooda.

3. Qof ha la hadlin qof sameecado dhagaha ugu jiraan, ugu yaraan mid siib.

4. Haddaad aragtid qof aamusan ha ku wareerin su’aalo sida maxaa khaldan iwm.

5. Saa’id ha ugu dhawaan qof booskiisa khaaska ah.

6. Ha isticmaalim taleefan marka aad film daawanaysid.

7. Haddii casho lagu gu casumo 7pm ugu dambayn 7:15pm imow, laakiin haka dib dhicin.

8. Haddii qof qadada kaa bixiyo adiguna maalin kale qado ku casuun.

9. Ha hadlin marka aad wax calalinaysid.

10. Dhanka midig ee jararanda socotaa (Escalator) waa halka la istaago, bidixdana in lagu socdo ayaa loogu talogalay.

11. Marka qof si toos ah kuula hadlayo ha ku mashquulin moobeeylkaaga taasi waa xushmad-darro. Sidoo kale ma wanaagsana inaad dad kale wacdo ama ka qabato, haddii aysan aad daruuri u ahayn.

12. Ha shukaansan saaxiibkaa ekiskiisi/keedi.

13. Marka kasta dadka kale hor mari.

14. Iska ilaali in aad “K” kaliya adeegsatid waayo waa hawldaliignimo dhammaystir erayga oo qor “Ok”.

15. Shanqarta yaree marka ay dadka kale hurdaan.

16. Shay walba meeshii aad ka qaadday ku celi.

17. Dhaq weelasha aad cuntada ku cuntay.

18. Xabbadda ugu dambaysay ee xanjada waa leh qofka soo gaday.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media