Hindiya oo ku CEEBOOWDEY weerar ay sheegtay inay ku qaadday gudaha Pakistan (Arag sawirka)

0

(Kashmiir) 06 Maarso 2019 – Muuqaallo laga qaaday dhanka Satellite-ka ayaa muujinaya dugsiyo diimeed oo ay leedahay kooxda Jaish-e-Muhammad (JeM) oo saldhigata woqooyi bari Pakistan oo weli sidoodii u dhisan, jeer ay Hindiya sheegatay inay dayuurado ku duqaysay oo ay dhulka la sintay.

Hindiya ayaa sidoo kale sheegatay inay weerarkaa cireed ku dishey dhowr dagaallame, balse sawirro ay soo bandhigtay hay’ad gaar ah oo deggan San Francisco, isla markaana Satellite-yo maamusha lana yiraahdo Planet Labs Inc, ayaa muujinaya ilaa 6 dhisme oo sidoodii ah, 6 maalmood kaddib markii ay Hindiya sheegatay inay burburisey.

Waloow aanay sawirradu aad fasiix u ahayn muuqaal ahaan, misna waxay la mid yihiin isla kuwo halkaa laga qaaday bishii Abriil 2018, mana muuqdaan dulduleello dhanka saqafka ah, wax gubasho ah, derbiyo madoobaadey ama dumey, geedo jabay iyo wax astaan ah oo muujin kara saamaynta uu leeyahay weerar cireed.

Warkan ayaa weji gabax ku noqonaya dowladda Hindiya iyo RW Narendra Modi oo sheegay in weerarkii Febraayo 26 uu la helay bartilmaameedyadii loo diray, balse wuxuu xoojinayaa warkii Pakistan ee ahaa inay dayuuraduhu meelo cidlo ah bambeeyeen kaddibna carareen.

Hadalsame Media