DAAWO: Ciyaaryahan dhaliyey gool caalamka ka yaabiyay! (Arag xagasha & xirfad dhaliska)

0

(Derby) 06 Maarso 2019 – Laacib u safta kooxda Derby County oo lagu magacaabo Mason Bennett ayaa dhaliyey gool raacis ah oo ay dunidu ku wareertay qaabka uu u taabtay, kulankii ay xalay 2-1 uga badiyeen kooxda Wigan Athletic.

Bennett oo uu goolkiisu barbarro ahaa ayaa dhaliyay daqiiqaddi 62-aad ee gelinka dambe ee ciyaaraha heerka 2-aad ee dalka Ingiriiska.

Laacibka ayaa kubadda si cajiib ah fig u siiyey, jeer uu taagnaa dhanka bidix ee goolka isla markaana uu 10 yaardi u jiro shabaqa, balse kubaddii oo aan cidi taaban ayaa dhanka fog ka fariisatay shabaqa.

Goolka ayay shucuubta baraha bulshadu ku hal xiraaloobeen, waayo dhinacna waa ka raacis, dhinac waa ka laad baaskiil wax u eg, halka dadka qaar ayba ku doodayaan waa laad iska toosay, yeelkeede, midda la isku raacsan yahay waa inuu yahay  mid naadir ah oo ka hor jeeda xeerarka fiisigiska.


Hadalsame Media