”Diidey inaan mubaayaco taageero ah la galo Israel!” – Ilhaan Cumar oo cadaadis lagu kari la’yahay iyo codayn iyada ka dhan ah oo berri Koongarayska lagu qabanayo!

0

(Washington, DC) 05 Maarso 2019 – Hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka ayaa diyaarinaya in berritoole codayn loo sameeyo wax ay ku sheegeen qaraar cambaaraynaya ”Yuhuud nacaybka” xilli ay Ilhaan Cumar oo aqalkaa dhowaan gal ku ihi diiddan tahay inay u hogato dalabaadka kooxaha Yuhuudda u ololeeya oo ku jiraan xitaa qaar badan oo iyada la xisbi ah.

Kaaliye la shaqeeya mid ka mid ah madaxda Dimoqraadiga ayaa shalay sheegay inaan weli la isla meel dhigin nuxurka waxa lagu qorayo qaraarkan oo ay weli doodi ka joogto.

Yeelkeede, waxaa la isku raacsan yahay in aanu duurxul jirin ee loo dan leeyahay si gaar ah, Ilhaan Cumar oo lagu hayo weerarro kala nooc ah, iyadoo si guudna loo cambaarayn doono waxan lagu sheego ‘Yuhuud nacaybka’ jeer aan waxba laga oran doonin weerarkii ay Jimcihii Ilhaan lafteeda kusoo qaadeen kooxda xag-jirka ah ee Act For America oo gabadhan Muslinnimadeeda ku maagay.

Afhayeen u hadlay Ms Cumar oo 37 jir ah, Jeremy Slevin ayaa horay u sheegay in Ilhaan ay kaliya diiddan tahay ‘mubaayaco aan sharci ahayn oo ku salaysan in loo ololeeyo danaha dal shisheeye ah (Israel).’

Balse isla Ilhaan ayaa markale Axaddii heerkulka dallacday, kaddib markii ay soo qortay:

‘La iga fili maayo inaan mubaayaco taageero ah la galo dal shisheeye ah, si aan ugu shaqeeyo dalkayga iyo dadkayga,’ ayay soo tweet garaysay.

”Waxaa la ii sheegaa inaan ahay lid Maraykan, haddii aanan Israel taageerin. Waxaan taas u arkaa mushkilo kaligeeyna kuma ihi (aragtidaas).’

‘Waxaa dhacda inaan doonayo inaan arrimahaa ka hadlo, kaddibna aan weerarro isku furo.’ ayay tiri Ilhaan oo aan u dabcin cadaadisyada kala nooca ah ee saaran, iyadoo sidoo kale diiddey inay madaxwayne KMG ah u aqoonsato hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Juan Guaidó.

Codayntan ayaa la sheegay inay agaasimayso afhayeennadda Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi (D), balse ma cadda xoogga luuqadda lagu adeegsan doono iyo in Ilhaan la magac dhabi doono iyo in kale.

Hadalsame Media