DF Somalia oo ka hadashay waxa uu ku saabsan yahay safarka degdegta ah ee Nairobi & moowqifka kiiska Maxkamadda ICJ

0

(Addis Abeba) 05 Maarso 2019 – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee magaalada Nairobi.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in wada-hadallada Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta aysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague.

Kheyr ayaa sheegay in Farmaajo uu u caddeeyey Abiy Ahmed in kiiska maxkamadda uu yahay lama taabtaan oo uu sidiisa u socon doono, balse wixii kale ee ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha diblomaasiyadda lagu xaliyo wada-hadal.

Kheyre ayaa sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya uusan waxba iska beddelin, islamarkaana ay dooneyso oo kaliya in lagu kala baxo go’aanka maxkamadda, islamarkaana mowqifka madaxweynaha uu kaas yahay.

“Madaxweynaha wuxuu diyaar u yahay kaliya in arrimaha xiisadda diblomaasiyeed ee dhowaan dhacay wada-hadal lagu xaliyo, balse kiiska maxkamadda waa sidiisii” ayuu yiri Kheyr.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in lasoo celiyo wada-shaqeynta labada dhinac iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya iyo wixii kasoo hara kiiska maxkamadda.

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media