(Milano) 04 Maarso 2019 – Cadadkii maanta ee warqaadka Repubblica, kooxaha Inter iyo Milan ayaa isku raacay inay isla dhistaan garoon cusub halkii ay ka dayactiri lahaayeen San Siro, waxa harsanna waa ogolaanshaha Dowladda Hoose ee Milano oo qura.
AC Milan ayaa gebi ahaanba cayrsanaysey aragtida garoon cusub iyadoo xitaa mar bilowday qorshaha mid u gaar ah, waxaana fikraddan mabda’iyan soo dhoweeyay duqa magaalada Milano, Md Beppe Sala, si loo dhiso garoon mustaqbali ah oo qaadaya 60 kun oo taageere isla markaana ay ku baxayso €600 milyan oo doollar.
Magaca garoonkan ayaa noqon doona San Siro waa se inta laga helayo sharikad qaadata xuquuqda magac bixinta oo sanadkii noqonaysa ugu yaraan €25 milyan oo euro, kaasoo albaabada loo balliqi doono sanadda 2023.
Garoonkan ayaa noqon doona mid ka mid ah kuwa ugu casrisan Yurub, waxaana Maraykanka jira wefdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Milan, Ivan Gazidis iyo dhiggiisa Inter Alessandro Antonello, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Bankiga wayn ee Goldman Sachs, oo dhanka maaliyadda kala talinaya dhismaha garoonkan, si ay usoo eegaan garoomada casriga ah ee Maraykanka
Waxay booqdeen garoomada MetLife Stadium oo ku yaalla New York iyo Mercedes Benz Arena oo ku yaalla Atlanta, kaasoo leh saqafka furma marna xirma ee ugu wayn caalamka. MetLife Stadium waxaa isla leh laba kooxood oo waa moodalka haatan ee San Siro
Milan iyo Inter ayaa garoonkan oo qaadi doona ugu yaraan 60,000 oo kursi ka dhigaya mid cufan si ka duwan San Siro oo qaada 80,000 kana kooban dhowr faraanti.
Garoonkan cusub oo qaabili kara hab-raaca UEFA isla markaana marti gelin kara kulan kasta oo caalami ah ayay dakhligiisa si 50-50 ah u wadaagi doonaan labada kooxood.
Wuxuu yeelan doonaa qaybo madadaalo, meelo xafladaha lagu qabto iyo makhaayado wax laga cuno IWM, waxaana garoonka loo yeeli doonaa muuqaallo jirjirroole ah oo kolba isu ekeeysiinaya kooxda ku ciyaaraysa sida garoonka Allinz ee Bayern Munich.
La Repubblica ayaa intaa raacinaya in mashruuca dhismaha ay ku jirto qayb ilaa 5,000-fadhi leh oo lagu qabto bandhigyada iyo xafladaha dadwaynaha iyo qayb laga dukaamaysto oo cusub oo laga dhisayo hareeraha garoonka New San Siro.
Labada koox ayaa si wayn u doonaya inay dakhliyadooda kordhiyaan sanadaha yar ee soo aaddan si ay markale uga tartamaan masraxyada caalamiga ah magac ahaan dhanka dhaqaalaha (brand) iyo muuq ahaan dhanka ciyaaraha (sporting).
Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media