(Muqdisho) 04 Maarso 2019 – Maamulka degmada Wadajir ayaa soo bandhigay Shabakad ka kooban sadex nin kuwaas oo sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka Qorsheysan islamarkaana ay ka howlgali jireen degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.
Saddexdaan nin oo ahaa dhalinyaro ayaa iyaguna qirtay inay Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka kana howlgalayeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley,isla markaana xilliga lasoo qabanayay ay ku howlanaayeen sidii ay u dili lahaayeen Haweeney jaad ku iibineysa Beerta Jaadka kana mid aheyd Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wararku sheegayaan.
Kooxdan ayaa la sheegay inay fashilmeen kadib markii ay u shaqeyn waysay Bastooladii ay wateen oo ay doonayeen inay ku qaarajiyaan haweeneydaasi Soomaaliyeed.
Raggaan ayaa sheegay in muddo dheer ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, sidoo kalena dilal qorsheysan ay ka fuliyeen Suuqa degmada Wadajir iyo Xaafadaha ku dhow Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Goblka Banaadir Maxamed Cabdullaahi tuulax ayaa Ciidamada amniga uga mahad celiyey soo qabashada Shabakadaan oo ahayd mid halis ku ah amniga caasimadda iyo nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed sida uu sheegay Mr. Tuulax.
Hadalsame Media