(Nairobi) 04 Maarso 2019 – Duuliyihii Madaxwayne kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Koontiga Turkana. Booliska ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in Captain Magonga uu geeriyooday.
Waxaa diyaarada la saarnaa afar ruux oo Maraykan ah, waxaana diyaarada nuuceeda lagu sheegay Helikopter.
Shilkan ayaa ka dhacay deegaanka Labolo ee bartamaha Jasiiradda Beerta qaranka ee dalka Kenya.
Waqtiga uu dhacay shilkaan ayaa lagu sheegay inay ahayd labaddii saac ee saaka waxaana diyaarada laga waayay raadeerka mar qur ah.
Gurmadka deg deg ah oo gaaray goobta shilka ayaa sheegay in afar ruux oo Maraykan ah iyo duuliyihii Madaxwayne kuxigeenka Kenya ay goobta ku qur baxeen.
Illaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay shilkaan waxaase Ciidamada Booliska oo iyana goobta gaaray la sheegay inay qaadeen burburka diyaaradda iyo sidoo kale meydadka dadka ku dhintay.
Hay’adda Kenya u qaabilsan duulimaadka ayaa amartay baaritaan deg deg ah oo shilkaan lagu sameynayo.
Hadalsame Media