(Delhi) 04 Maarso 2019 – Hindiya ayaa sheegtay inay soo riddey dayuurad ay Pakistan leedahay, taasoo loo badinayo inay tahay nooca is wada ee daroonka loo yaqaan.
Ciidamada Cirka Hindiya ayaa sheegtay inuu dayuuraddan arkay raadaarka dhulka deetana laga adeejiyey miig ah nooca Ruushku sameeyo ee Sukhoi Su-30MKI, sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ihi.
Ciidamada Hindiya ayaa intaa raaciyey in dayuuraddani ay kusoo xad gudubtey hawada Hindiya, iyadoo lagu arkay qaybaha lama degaanka ah ee gobolka Rajasthan sida ay werisey wakaaladda ANI News Agency.
Arrintan ayaa sii murjineeyso xiisadda ka dhex oogan xadka labada dal oo beryihii dambe cirka ku shareernayd.
Hadalsame Media