(Istanbul) 04 Maarso 2019 – Maydka weriyihii la khaarajiyey ee Sucuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi ayaa warar iminka la helayaa sheegayaan inay dhici karto in lagu gubey foorno wayn oo ku dhex taalla guriga Qunsulka Guud ee Sucuudiga u fadhiya Istanbul, sida ay dabagal ku ogaatey Al Jazeera oo cinwaankiisu yahay “Waxa la qarinayaa ka badan. Aaway maydkii?!
Waxaa soo baxaya tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan kooxdii halkaa looga diray dhagarta weriyahaasi, sida lagu faafiyay barnaamij dokumenteri ah oo lagu baahiyay Al Jazeera qaybta Carabiga kaasoo shalay la sii daayay.
Maamulka Turkish-ka ayaa la sheegay in ay sheedda ka arkayeen qaac badan oo kasoo butaacayay saqafka sare ee dhismahaasi, jeer sidoo kalena la qabey xog sheegaysa in maydka weriyaha oo jarjaran boorsooyin waawayn loogu safriyay guriga qunsulka dalka Sucuudiga oo dhowr boqol oo mitir u jira Qunsuliyadda lagu dhex khaarajiyay.
Al Jazeera ayaa waraysatay isla injineerkii dhisay foornada kaasoo u sheegay in uu u dhisay sidii uu uga dalbaday qunsulka oo ahayd inay qoto dheeraato isla markaana ay u gigsato ama xamisho heer kul gaaraya 1,000 degrees Celsius – kaas oo ku filan inuu xitaa biraha dhalaaliyo.
Hadalsame Media