DAAWO: ”Icardi adigaa dab holcaya ku hareereeyay!” – Cassano oo markale weerar ku qaaday Wanda Nara!

0

(Roma) 04 Maarso 2019 – Antonio Cassano ayaa markale weerar cad ku qaaday Wanda Nara arrinta khuseeysa Mauro Icardi oo fadhiid ka noqday kooxda kaddib markii laga xayuubiyey kabtannimada Inter.

Cassano ayaa Wanda ku weeraray dufcaddii shalay ee barnaamijka Tiki Taka, isagoo aan markan wax duurxul ah ku darin dabuubtiisa oo uu toos ugu caddeeyay.

“Qofka musiibadan abuuray waa iyada. Waxay Icardi ku wareejisey dab holcaya. Aan runta abbaarno, adigu [Wanda] waad war badan tahay, baraha bulshadana aad baad u isticmaashaa,” ayuu ku yiri Tiki Taka.

“Haddii ay Inter ka qaadday kabtannimadii, waxaa jirta sabab: waayo Ausilo, Marotta, Spalletti iyo Zhang ma waalna. Haddii uusan kooxda kusoo laaban wuu tegayaa oo meel laga laabto ma jirto.” ayuu raaciyay.

“Spalletti wuxuu kabtan iga dhigay aniga oo 20 jir ah [waagii Roma]. Waxaan kabtan xigeen u ahaa Totti wuuna iga qaaday, waayo ma aanan ahayn tusaale. Marka sabab baa jirta.” ayuu ku dooday Cassano oo tilmaamay inuu ruwaayadahan oo kale soo jili jirey.


Hadalsame Media