RW Kheyre oo Geneva uga qaybgalaya shir muhiim u ah shaqo abuurka dhalinyarada

0

(Muqdisho) 3 Maarso 2019 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galaya shirar looga hadlayo Xuquuqul Insaanka iyo shaqo la’aanta Dhalinyarada, isagoo khudbad ka jeedin doono halkaasi sida wararku sheegayaan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ugu baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka sid lagu sheegay war kooban oo xaafiiskiisa Muqdisho ka soo baxay.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii Soomaaliya uga soo muuqan lahayd fagaarayaasha caalamiga ah oo ay muddo ku dhow 30 sanno ka maqneed.

Hadalsame Media