Madaxawaynaha Suudaan oo dhiggiisa Soomaaliya kala hadlay weerarkii ka dhacay Muqdisho

0

(Khartuum) 02 Maarso 2019 – Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu laayay weerarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba.

Waxaa uu sheegay in falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweynaha Suudaan ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan wuxuushnimada ah, sidoo kalena intii dhimatay u rajeeyay jannatul fardowsa.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiiri xiriirka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago  dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Hadalsame Media